Nin u dhashay dalka Mexico ayaa noqday qofkii ugu nasiibka badnaa sannadkan kaddib markii uu ka badbaaday labo xabadood oo madaxa uga dhacday – kuwaas oo aan ka gudbin lafaha madaxa balse ku joogsaday.
Ninkan oo la yiraahdo Francisco wuxuu marayay mid kamid ah waddooyinka caasimadda Mexico kolkii uu qori ula soo baxay Carlos N. kaas oo labo jeer madaxa kaga dhiftay xabado. Sababta dilkiisa ka dambeysa weli lama sheegin .
Dhacdadan ayaana hadalheynteeda qabsatay baraha bulshada dalkaasi, waxaana la isweediinayay sida uu ku badbaaday ee la-yaabka leh. Waxaana la isla dhex maray Alle dila unbaa dhinta. Halkii loo badinayay inay xabaduhu madaxa kala fujiyaan, waxay dhaafi waayeen lafaha waxaana ay kaliya dilaacsheen maqaarkiisa kore.
Maadama uu dhaawac yar soo gaaray, Francisco ma miirdaboolmin, wuxuuna maareeyey inuu booliska u dhow la wadaago halista uu la kulmo iyo dilaaga. Waxaana lagu guuleystay in la qabto ninka isku dayga dil geestay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com