Allbanaadir.com
NEWS

Qarax xooggan oo goordhaw ka dhacay Isgoos laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada

Qarax aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka isgooska Sayidka ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Soomaaliya .

Warar horu dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray, kaa oo ku qarxay meel aan ka fogeyn isgooska Sayidka , gaar ahaan dhinaca xigta maqaayada Baar Bulsho.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin waxa uu ahaa qaraxan goordhaw dhacay, sidoo kale lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan goordhaw dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale goobtaasi gaaray gaadiidka gurmadka deg dega, kuwaa oo goobta isku dayaya in ay qaadana dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Pentagon oo Malaayiin Dollar oo lacag ah ku bixisay Barnaamij Sir ah

admin

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo u codeeyey arrin Somalia ku saabsan

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaaraha Somalia oo ku dhawaaqay qorsheyaal ka dhan ah Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---