Allbanaadir.com
NEWS

Kim Jong Un oo amray in la taageero Shacabka Falastiin ee Dagaalka kula jira Isreal

Wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee The Wall Street Journal ayaa  daabacay warbixin la xiriirta in hoggaamiyaha dalka Kuuryada Waqooyi, Kim Jong-un uu amar ku bixiyey in la taageero shacabka Falastiin ee dagaalka kula jira  Israel .

Wargeyska oo soo xignaya Warbixin kasoo baxday sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu xusay in laga yaabo in hoggaamiye Kim Jong Un ka federayo xitaa inuu Hub ka iibiyo ururada hubeysan ee ka dhisan mandiqada Bariga Dhexe.

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Kuuriyada Koonfureed ayaa shaaciyey warbixintan dhanka sirdoonka, waxayna xuseen inay Kuuriyada Waqooyi horey uga iibisay Xamaas gantaalada lidka taangiyada.

Wargeyska The WSJ waxa uu qoray inay milliteriga Kuuriyada Koonfureed rumeysan yihiin in hubkii Xamaas u adeegsadeen weerarkii ay ku qaadeen gudaha Israel bishii October 7-dii ahaa hub lagu soo farsameeyey dalka Kuuriyada Waqooyi.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa si adag u beenisay warkan laga soo xigtay sirdoonka Kuuriyada Koonfureed, waxa ayna warkan ku tilmaameen mid been ah oo waxba kama jiraan ah.

W/T Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada golaha shacabka oo Codka Kalsoonida u qaaday Ra’isul Wasaare Xamse

Cabdi Cade

Dedaal Mukhtaar Roobow lagu sii deynayo oo ka socda Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

RW Ku-xigeenka dalka oo la kulmay Madaxweyne Abdel-Fattah El-Sisi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---