Allbanaadir.com
NEWS

Angelina Jolie oo si adag uga hadashay Xasuuqa Isreal ka wado magaalada Gaza

Waxaa soo badanaya dadka dunida caanka ka ah ee sida weyn u cambaareenaya ugana xumaanaya duqeymaha arxan darada ah ay ciidamada Yahuuda Isreal ku garaacayaan magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin

Xiddigta caalamiga ah caankana ka ah dunida Angelina Jolie, ayaa cambaareysay duqeymaha ay Israa’iil ka wado magaalada Qaza, waxa ayna duqeymahaasi ku tilmaantay kuwa kasoo horjeeda shuruucda caalamiga ah.

 “Gaza waxay ahayd xabsi furan ku dhawaad ​​labaatan sanno, waxayna si degdeg ah isugu beddelaysaa xabaal wadareed. 40 boqolkiiba dadka dhintay waa carruur, qoysas aan waxba galabsan. “Waxay dishaa dhammaan.” ayey tiri Angelina Jolie.

Waxa ay sheegtay Angelina Jolie in dunida ay iska daawanayaan carruurta iyo haweenka aan dambiga gelin ee lagu leynayo magaalada Gaza, waxa ayna xustay in dadka lagu hayo ciqaab wadareed loona diiday cunto , daawo iyo gar gaar kasta oo ay u baahan yihiin.

“Sida ay dunidu u daawato oo ay taageerto dawlado badan, malaayiin Falastiiniyiin rayid ah – carruur, haween iyo qoysas – ayaa lagu hayaa ciqaab wadareed iyo wax-ka-xun bani’aadantinimo, waxaana laga reebay cunto, dawo iyo gargaar bini’aadantinimo. Tani waa ku xadgudubka sharciga caalamiga ah” ayey tiri aktaradan caanka ah

Ciidamada Isreal ayaa xasuuqii ugu xumaa taariikhda dhaw ka geesanaysa magaalada Gaza, waxana indhaha iyo dhagaha ka xiratay xasuuqan dowladaha reer Galbeedka oo taageero u muujinaya ciidamada Isreal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha DP World iyo Muuse Biixi oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

DF oo shaacisay liiska xubnaha cabashada laga keenay ee guddiyada Doorashada (Akhriso)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay talaabada deynta looga cafiyey Soomaaliya (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---