Allbanaadir.com
NEWS

Wariye iyo xubno badan oo katirsan qoyskiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Gaza

Ciidamada Isreal ayaa wali duqeymo culus ku garaacaya magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee shacabka kasoo gaaraya duqeymaha socda.

Duqeyn diyaaradaha dagaalka Isreal xalay ku garaaceen magaalada Khaan Yoonis ee koonfurta Gaza ayaa lagu dilay wariye Maxamed Abu Xadaab iyo 11-xubnood oo katirsan qoyskiisa.

Wariyaha duqeynta lagu dilay ayaa katirsanaa telefishinka Falastiin, waxaana kahor inta aan la dilin uu baahiyay warbixin uu kaga hadlayay xaalada magaalada Gaza iyo waxyeelada shacabka kasoo gaartay duqeymaha socda.

Maanta oo Jimco ah ayaa aas loo sameeyay wariye  Maxamed Abu Xadaab iyo xubnaha qoyskiisa katirsan ee duqeynta lagu dilay, waxa uuna weerarkan lagu dilay wariyaha iyo qoyskiisa qeyb ka yihiin tacadiyada Isreal ka geesaneyso dhulka Falastoon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiilashii ugu horeeyey oo laga soo saaray bohoshii ay go’doomeen ee dalka Thailand (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Dowladda oo gubay Gaari Dagaal oo Al Shabaab lahaayeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Imaaraadka Carabta oo hanjabaad culus hawada loo mariyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---