Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Warbaahinta dalalka Carabta oo si weyn u hadal heysa hadalkii Raisul wasaare Xamse

Warbaahinta taageerta ururka Xamaas iyo kuwa carabta ayaa si weyn u hadal heysa hadalkii uu shalay jeediyay Raisal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, kaasoo si adag uga hadlay xaaladda Qasa iyo dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Falastiin.

Barta Twitterka Quds News Network ee taageerta Xamaas ayaa la soo dhigay muuqaalka Raisal Wasaaraha, iyagoo xoojiyay hadalkiisa ahaa “Xamaas ma aha urur argagaxiso ee waa urur xoreynaya dalkooda”.

Raisal wasaare Xamsa ayaa hadalkan shalay ka jeediyay Munaasabad ka dhacaysay xarunta tiyaatarka qaranka oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay caalamka oo uu sheegay inay iska indha tirayaan dhibaatada ay wajahayaan dadka reer Qasa.

Sidoo kale warbaahinta waaweyn ee carabta sida Telefeshinada Aljazeera, Alcarabiya iyo kuwa kale ayaa si weyn u qaadaa dhigaya hadalka Xamse Barre oo dhinaca kale aan laga soo dhoweyn doonin dalalka reer galbeedka.

Related posts

Sadex Wadan oo isku heysta nin lagu tuhmayo dilka Injineer Maxamed Al Zawari

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad u jeediyey ardayda Jaamacadaha Puntland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Koox gacan saar la leh Daacish oo lagu eedeeyey iney dileen 36 qof oo shacab ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---