Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa mar kale gaaray magaalada Tel aviv xarunta Israel.
Waxaa wadahadallo la leeyahay raisul Wasaaraha Israa’iil, waana markii 3aad oo uu halkaas tegayo tan iyo weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israel, 7-dii bishii Oktoobar.
Safarkiisa ayaa waxaa uu diradda ku saari doonaa, tallaabooyin lagu dhimayo dhibaatooyinka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool marinka Qasa isla markaana loo kordhin lahaa gargaarka la gaarsiiyo.
Aqalka cad ayaa ka walaacsan khasaaraha sii kordhaya ee shacabka magaalada Gaza ka soo gaaraya duqeymaha Yuhuuda, iyadoo dowladaha carabta iyo kuwa Islaamka uu ka imanayo cadaadis iyo caro xoogan
Blinken ayaa sidoo kale wadahadallo ku qaban doona Jordan.
Xafiiska raisal wasaaraha Israel, Banjamin Netanyahu, ayaa baahiyay sawirrada kulanka u dhaxeeya raisal wasaaraha iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken.
Wuxuu xafiisku sheegay in raisal wasaare Benjamin Netanyahu uu haatan kulan albaabada u xiran yihiin la leeyahay xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken.
Safarkiisa ayaa ku soo aadaya kadib markii miletariga Israa’iil ay sheegeen inay gebi ahaanba hareereeyeen Qasa.
Ciidamada Yuhuuda ayaa weli sii wada duqeymaha arxan darada ah ee ay ka geysayanaan magaalada Gaza, iyadoo dagaalka dhinaca dhulka ah ee u dhexeeya milateriga Israel iyo Xamaas uu sii socdo.