Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey duqeymo iyo dagaalo toos ah oo ka socda Gaza (Sawirro)

Ciidamada Yuhuuda ayaa weli sii wada duqeymaha arxan darada ah ee ay ka geysayanaan magaalada Gaza, iyadoo dagaalka dhinaca dhulka ah ee u dhexeeya milateriga Israel iyo Xamaas uu sii socdo.

Diyaaradaha Israel ayaa duqeeyey dhismayaal guryo ah oo ku yaalla xerada Qaxootiga ee Bureij Magaalada Gaza.

Isbitaalka al-Aqsa ee ku yaal bartamaha Gaza ayayu ku adkaatay inay kala soocaan dhaawacyada dadka nool iyo kuwa dhintay.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay duqeyntaas halka tiro kale oo ka badana ay ku dhaawacmeen duqeyntan sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka ee Gaza

In ka badan 3,700 carruurta reer Falastiin ah ayaa lagu dilay muddo bil ah, kuwaasoo qeyb ka ah dad ka badan 9000 kun oo lagu xasuuqay Gaza.

Israa’iil ma cadeynin sababta ay  u beegsadeen xerada qaxootiga Bureij oo ku taal bartamaha Gaza.

Dagaalo toos ah ayaa weli gudaha magaalada Gaza ku dhexmaraya ciidamada Yuhuuda iyo kuwa Xamaas.

Afhayeenka Xamaas ayaa sheegay in khasaare xoogan ayu u geysteen ciidamada Israaiil, ayna ka laayeen askar badan sidoo kale ka gubeen gaadiid kala duwan iyo Taangiyo

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Walaac xoogan oo lasoo darsay Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha

Cabdi Cade

Itoobiya oo qaaday talaabo kale oo lagu xoojinayo heshiiskii ay la gashay TLPF

Caydiid Ali

DF oo hakisay duulimaadyadii aadi jiray qaar ka mid ah gobolada dalka (Sababta)

Caydiid Ali