Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay Qodobada 51aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.
Markuu arkay: Muhiimada ay leedahay Istiraatiijiyada kobaca dhaqaalaha ee Dowladda.
Markuu arkay: In hab nololeedka bulshada iyo horumarka dhaqaalahooda uu qeyb ahaan ku tiirsan yahay Kheyraadka Badda iyo Dhaqaalaha Buluuga ah.
Markuu tixgaliyay: Taariikh nololeedka, Aqoonta iyo Khibradda Ing. Cabdi Jiinow Calasow.
Madaxweynahu waxa uu Mudane Ing. Cabdi Jiinow Calasow u magacaabay xilka Lataliye Sare Arrimaha Kheyraadka Badda iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dowladda Hirshabeelle.