Allbanaadir.com
NEWS

Taliye sare iyo askar hor leh oo ciidanka Israel looga dilay dagaalka Gaza

Milateriga Isra’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ay weli sii wadaan duqeymaha ay ka geysanayaan dhulka, cirka iyo badda ee magaalada Gaza

Israa’iil waxay sheegtay in taliyihii guutada gaashaaman uu ku dhintay dagaal culus oo saacadihii la soo dhaafay dhacay, waana askarigii ugu sarreeyey ee Israa’iil ah oo lagu dilo hawlgal dhulka ah ilaa hadda.

Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale shaaciyay dhimashada afar askari oo hor leh, kuwaasoo ka qeyb qaadanayay dagaalka dhanka dhulka ah oo lagu qaaday Qasa.

Tani ayaa waxay ka dhigeysaa tirada guud ee ciidamada Israa’iil ee lagu dilay Qasa 23, sida laga soo xigtay wargeysa Haaretz.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan sagaal kun oo qof oo Gaza ku nool lagu dilay tan iyo bilowgii duqeynta Israa’iil – qiyaastii boqolkiiba afartan ayaa ah carruur.

Related posts

Maraykanka oo mar kale u hanjabay Turkiga & xiisada labada dal oo ka sii dareysa

Caydiid Ali

Jadwalka Doorashada 10-kursi oo lagu dooranayo magaalada Garawe oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Xildhibaan dowladda ka codsatay in ay la raadiyaan Darawalkii Farmaajo oo la waayay

Cabdi Cade