Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada: Ciidamo cusub oo loo diyaariyay in ay sugaan Amaanka Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho tababar loogu soo xiray 600- oo askari oo katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana ciidankan loogu tala galay in ay sugaan amaanka caasimada.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta tababar usoo xiray ciidankan cusub ee loo diyaariyay in ay xaqiijiyaan amaanka Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay.

Ciidamadan katirsan booliiska Soomaaliya ayaa mudo sadex bilood ah waxa ay soo qaateen tababaro kala duwan, waxaana ciidankan maanta soo bandhigeen gaado ka ciyaar iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin in ay sugaan amaanka Muqdisho.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxaana dad badan isweediinayaan waxa ay ka bedeli karaan ciidankan cusub ee loo diyaariyay in ay sugaan amaanka Caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Soomaaliya iyo Masar oo sameenaya Dhoollatus ka nixinaya Itoobiya

Cabdi Cade

Gen. Saadaq Joon oo garab ka helay Farmaajo iyo loolan adag oo ka taagan Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Wasiirkii Difaaca UK oo shaqadiisa ku waayay Sir Qaran uu dusiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---