Sida ay sheegayaan warar goor dhow naga soo gaaray gobolka Gedo webiga Jubba ayaa caawa ku fatahay degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolkaas. fatahaada ayaa bilaabatay maanta balse waxaa la soo sheegayaa iney caawa ka sii dartay.
Wararka ayaa sheegaya in biyaha webiga oo dacalada jabsaday ay galeen xaafadaha labada degmo halkaasoo ay ka geysteen khasaare kala duwan.
Sidoo kale, biyo aad u fara badan oo ka yimid webiga Jubba ayaa caawa cagta mariyey beero badan oo ku yaallay labadaas degmo, kuwaasoo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan oo khasaare xoogan uu soo gaaray.
Barakac balaaran ayaa la soo sheegayaa iney sameynayaan boqolaal qoys oo ku nool xaafadaha degmooyinka Luuq iyo Doolow, kuwaasoo aan garaneyn meel hoy ka dhigtaan, iyadoo biyaha webiga ay dhinac walba ka yimaadeen.
Sidoo kale qoysaska ayaa bilaabay iney alaabaha kala baxaan guryahooda ka dib lagu war geliyey in xaafadahooda ay masaafo gaaban ay biyaha u soo jiraan.
Waa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah ee webiga Jubba uu fatahaad sidan u baahsan ka sameeyo degmooyinka Doolow iyo Luuq sida ay sheegeen masuuliyiinta degmooyinkaas.
Degmada Baardheere oo ka tirsan isla gobolka Gedo ayaa sidoo kale saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn ugu fatahay webiga Jubba halkaasoo uu ka geystay barakac balaaran iyo khasaarooyin kale.
DF ayaa mudooyinkan uga digeysay shacabka iney ka fogaadaan degaanada ku dhow webiyada Shabelle iyo Jubba oo ay sheegtay iney ka dhici karaan fatahaado ay sabab u yihiin roobabka xiliga Deyrta.