Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baxreyn oo u yeeratay safiirkii ka fadhiyey Tel aviv iyo Israaiil oo ka jawaabtay

Dowlada Baxreyn ayaa ku dhawaaqday iney safiirkeeda kala soo baxayso Israa’iil ayna joojinayaan xiriirkii dhaqaale ee Tel Aviv.

Wasaarada arrimaha dibeda ee Baxreyn ayaa sheegtay in xad gudubyada qaawan ee Israel ka wado Gaza ay yihiin kuwo aan ka aqbali karin sidaas awgeedna ay go’aansatay iney hoos u dhigto xiriirkii Israel.

Baxreyn waxay sheegtay in safiirkeeda dib loogu yeeray, isla markaana safiirka Israa’iil uu ka tagay Baxreyn, wixii ka dambeeyay weerarkii Israa’iil ee Gaza.

Isra’iil ayaa oo go’aankan ka hadashay ayaa sheegtay inaan lagu wargelin go’aanka Baxrayn ku doonayso inay safiirkeeda ugala baxdo Tel aviv.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in aysan waxba kala socon in dib loogu yeeray danjiraheeda u fadhiya Baxreyn, iyadoo intaas ku dartay in xiriirka labada dal uu yahay mid deggan.

Baxrayn waxa ay ka mid ahayd afar waddan oo Jaamacadda Carabta ka mid ah oo heshiis caadi ah la saxiixday Israa’iil sannadka 2020-ka, kaasoo loo arko horumar weyn oo lagu dejinayo colaadda Israa’iil iyo Carabta ee mudada dheer soo jiitameysay.

Related posts

Madaxweryne Farmaajo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gaari goor dhow lagu dhuftay dhismaha Baarlamanka Britain (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qof ka mid ahaa dad loo karantiilay cudurka COVID-19 oo ku geeriyooday Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---