Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “Maslaxada Puntland waxey ku jirtaa soo Jeedinta Madaxweyne Deni”

Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa maamulkiisu waxey soo saartay gudiga qaban lahaa doorashada madaxbanaan, waxeyna gudigaas madaxabanaan ay si rasmiya ugu dhawaaqeen in bisha February 25teeda ay qabanayaan doorashada xildhibaanada iyo mida madaxweynaha oo shacabka Puntland ay codka kalsoonidooda ay ku dhiibanayaan si toosa oo uu habraaceedu tilmaamayo dimoqaradiyada casriga ah ee ku saleysan doorasho qof iyo cod ah, taas oo dadku ay ku soo dooranayaan madaxda ka talineysa masiirkooda siyaasadeed.

Mucaaradka Puntland oo taageersan in la isku soo xusho habkii qabaliga ahaa ayaa si laba weji leh u taaageersan qabsoomida doorasho ku dhisan qof iyo cod, haddana islamarkaaas muujiyey hamuunta weyn oo ay u qabaan qabsoomida doorasho dadban, taas oo ay u arkaan maslaxadooda gaar ahanayd, waxeyna taas iney dhacdo ay bedelkeeda ka doorbideen mida maslaxada waxtarka weyn u leh shacabka Puntland oo ah iney meelmarto qabsoomida hanaanka doorashada qof iyo cod oo taariikh ahaan magac weyn siinaysa sooyaalka Puntland iyo maqaamkeeda horyaalnimo.

Isimada Puntland oo muraayad qurux badan u ahaa jiritaanka Puntland, islamarkaasna marjac u ahaa dhexdhexaadnimo ku xalinta khilaafyadeeda ayaa ka mariin habaabay talada wanaagsaneed oo ay ku jirtay maslaxada guud ee shacabka Puntland, waxeyna taas ahayd wax walba iney ka hormariyaan wanaaga guud ee maslaxada shacabka Puntland, balse taas bedelkeeda waxey ka doorbideen meelmarinta danahooda gaar ahanayd oo ku jirta iney soo xulaan xildhibaanada baarlamaanka, waxeyna tilaabadaas ay dhaawaceysaa sida aysan talabixintoodu dhexdhexaadka uga noqon karin masiirka siyaasadeed ee shacabka Puntland.

Puntland oo ku caan baxday iney siyaasada Soomaaliya ay door wanaagsan ka ciyaari jirtey ayaa hadda si lama filaana waxey ku noqotay wax lagu maadeeeysto sida ay u gaaban tahay dulqaad yaraanta caaqiladooda iyo siyaasiyiintooda, waxaana cid walba ka yaabinaysa in hal bil iyo bar keliya ay u dhexeyso mudada January 8 iyo February 25, taas oo ah mida muranka ka dhex dhalisay mucaaradka iyo muxaafadka, waxeyna taas ay hadda khilaafka u gudbisay in ismaandhaafka ka dhashay uu noqdo mid kala qeybisa shacabka Puntland, islamarkaasna xaalada siyaasadeed u rogtey mid hadda noqotay arrimo bulsho oo ay shacabku gacmahooda ku haystaan, taas oo falcelinteedu ka dhalatay kadib markii Isimadu ay baalmareen maangalka qumanayd, waxeyna taas ay sabab u noqotay iney xasarada siyaasadeed ka gudbisey iney noqoto mid siyaasad ahaan u gaara siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa muxaafadka.

Tanaasul li’da mucaaradka iyo mariin habaabinta Isimada waxaa ka daran siyaasadda la ceyn wareegtey madaxda dowladda Soomaaliya oo ka habowday mariinka tilmaamaya doorkeeda siyaasadeed ee xaqa ah oo ahayd iney gacan ku siiso Madaxweyne Deni inuu Puntlanad ka hirgeliyo qabsoomida hanaanka doorasho ku dhacda qof iyo cod, taas oo raacsan qorshaheeda ay ku hiigsaneyso iney dalka ka hirgeliso doorasho qof iyo cod ah, hasayeeshee, waxaa tixgelin mudan in madaxda dowladda dhexe ay ku haboon tahay iney wanaaga guud ee maslaxadda ummadda ay ka hormariyaan dagaalka shaqsiyadeed oo ay kula jiraan madaxda maamul goboleedyada.

Soomaaliya waxaa caqabad weyn ku ah madax aaminsan hanaanka doorashada qof iyo cod oo fagaaro kasta ka sheegaya iney rumeysan yihiin meelmarinteeda oo haddana islamarkaas diidan in madax iyaga ka duwan ay horseed dadkooda ugu noqdaan iney maamulkooda ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah oo ay ku diirsadaan shacabka ku nool maamulkaas, waxeyna tilaabada nuucaas ah oo ay qaadayaan madaxda dowladda dhexe ay ka turjumeysaa mid indhaha dadka u iftiimineysa jiritaanka dhaqan cadawtooyo oo ka gudubsan xayndaabka ciyaaraha siyaasadeed.

Waxey dad badan isweydiinayaan waxyaabaha kulmiyey iney iskaashadaan daneystayaal aan dhexdhexaad ka ahayn dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan oo hadalkoodu uu bulshada Puntland u horkacayo iney ku galaan dagaal, iyo mucaaradka oo hal bil iyo bar keliya oo ay tanaasulaan ay kala haboonatay iney dagaal dhiig badan ku daato ay ku gaaraan heshiis ay ugu dambeyntii la galaan muxaafadka, iyo weliba madaxda dowladda dhexe oo Puntland u quuri la’ iney wakhti gaaban si dhaqsiyo leh ugu hormaraan guulaha doorashada qof iyo cod, taas oo ay madaxda dowladda dhexe ay qorsheynayaan sanooyin badan kadib iney gaaraan ama iney carqaladooda awgeed ku doonayaan iney ku soo saartaan musharaxa ay wataan.

Maslaxadda mideysay saddexdaas kooxood ayaa isbaheysigooda ka dhigaysa mid ah inuu ku saleysan yahay cabsi ay ka qabaan in horumarka Puntland ay ka gaarto dimoqaradiyada ay ku abaal marineyso muxaafadka uu hogaaminayo Madaxweyne Deni oo u muuqda mid u diyaarsan la jaanqaadka horumarka Puntland, meesha ay ka muuqato isbaheysiga ku mideysan saddex geesoodka ineysan is hubin oo aysan kalsooni isku qabin, sidaas daraadeedna ay guushoodu ku jirto in la carqaladeeyo iskuday kasta oo lagu qabanayo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Puntland, islamarkaasna Puntland dib loogu celiyo xaaladda hadda ay ku jirto oo magac iyo maamus hore ay ku leeyihiin isimada wax soo xulaya, mucaaradka qabiilka wax ku diidaya, iyo dowladda dhexe oo ka soo horjeeda in laga tilaabo dheereeyo.

Dastuurka oo aysan horay ugu qeexneyn wakhtiga lagu qabanayo doorashooyinka dalka ka dhacaya ayaa awgeed waxey doorashooyinka abaabulkooda iyo qabashada geedi socodkooda ka dhigeysaa mid caado ka dhigtay in ilaa mudo saddex bilooda ama lix bilooda ay jiitanto, taas oo ah mid ka dhalata hawlaha farsamo oo amni ahaan, maaliyad ahaan, iyo siyaasad ahaan isla rogrogi karta wakhtiga doorashada, waxaana mudadaas soo gaabin kara ama sii dheereyn kara hadba sida loola shaqeeyo gudiga madaxabanaan ee qabanaya doorashooyinka oo haddii ay dhacdo in loo dhigo jidgooyooyin caqabad ku noqda dadaaladooda ay imaneyso in mudo kororsi intaas ka badan uu yimaado, balse haddii lala shaqeeyo ay doorashadu ku qabsoomeyso wakhtigii loogu talagalay.

Muqdisho markii uu taladeeda joogey Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa loo soo jeediyey inuu qabto doorashooyinka kadib marka uu xilkiisu soo gaarey gabagebo, wuxuuna si walba u diidey inuu qabto doorasho nuucii uu doonaba ha ahaatee, wuxuuna talada dalka si sharci daro ah ku sii haystey mudo dhan 15 bilood, taas oo kaliftay in dadkii uu ka dhamaado samirkii iyo dulqaadkii ay u hayeen sii joogista Madaxweyne Farmaajo ee Villa Soomaaliya, waxaana cid walba ka yaabisey kadib markii uu iskiis u sameystay mudo kordhin 2 sano ah, isaga oo rumeysan in 2 sano kadib inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo horseeday qalalaase, balse muujisay sida ay mucaaradku ugu diyaarsanayeen ka qeybgalka doorashada iyo sida ay kalsooni xumadu uga muuqatey Madaxweyne Farmaajo oo aan u diyaarsaneyn inuu galo doorasho, isaga oo ay mariin habaabiyeen dad maangaaba, laangaaba, aqoongaaba, iyo kuwo ah qowsaaro huwan dhaqan iyo siyaasad beenabuura.

Madaxweyne Deni oo waayoaragnimo ku filan ka heysta isku dhejinta xukunka ayaa soo jeediyey in Puntlanad ay diyaar u tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, cidii rabtana ay u furan tahay ka qeybgalkeeda, sidaasna wuxuu ku muujiyey kalsoonida uu ku qabo tartanka furan oo ay dhici karto ama inuu ku guuleysto ama in looga guuleysto oo uu xilka ku wareejiyo si nabada, waxeyna tilaabadaas ay ka turjumeysaa inuusan madaxweyne Deni damacsaneyn inuu xilka Puntland xoog ku sii haysto ama uu doonayo dagaal dhiig ku daato oo kursi dhiig leh xilka Puntland lagula kala wareego sida ka dhacday Muqdisho 2022, taas oo Sharaf xumo ugu filan cida guuleysatey iyo cidda laga guuleystey oo labaduba kala wareegsadey kursi dhiig leh.

Kursi dhiig leh cida dhaxal ugu fariisata waxtar badan lagama filan karo, balse cid walba waxaa u muuqata dhiiga kursiga lagu soo hantay iney dabasocoto dhiig badan oo aargoosi dartiis ku daata, maxaa yeelay wixii xoog lagu helo wuxuu ku dhamaada inuu ku dambeeyo xukun arxandaran oo dil iyo dhac ku aargoosta, iyadoo xkunka lagu xalaaleysanayo dhiiga iyo hantida cid kasta oo ka soo horjeedey ama dagaal la gashay damaca xoogga ku dhisan, waxeyna taas ay jidka u xaareysaa aanooyin qabiil oo meesha ka saarta maamul uu xukunkiisu ku saleysan yahay siyaasad dowladnimo, waxeyna taas ay ku dambeyneysaa in wixii xeer xoogga lagu hanto oo la isaga tuurto xukunka iney ku dambeynayso burbur iyo xoog in xilka looga tuuro meertadiisa, waxeyna taas cabireysaa waayoaragnimada ay Soomaalida ka heshay xukunkii milateriga oo dalka xoog ku qabsaday balse burbur ku dambeeyey.

Waxaa la joogaa wakhtiga laga gudbi lahaa doorka isimadu ay ku leeyihiin siyaasadda oo meesha laga saari lahaa xulashada ay laaluushka ugu soo xulanayaan xildhibaanada baarlamaanka Puntland, waxaana sidoo kale la jooga wakhtiga la soo afjari lahaa xilka la isugu dhiibayey dhaxaltooyada kursiga ugu sareeya Puntland, waxaana sidaas si la mida la soo gaarey wakhtiga cod dheer loogu sheegi lahaa madaxda dowladda Soomaaliya in la soo gaarey xiliga ay shacabka Puntland ku soo dooran lahayd madaxdooda oo ku yimaada kalsoonidooda, sidaasna ay meesha uga bixi lahayd musharax ay wadato madaxda dowladda dhexe oo ay danhooda gaarka ah iyo u adeegida rabitaankooda ku maalgashan lahayd, kuwaas oo xilka ku yimaada awood ka baxsan rabitaanka shacabka Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa taariikh ahaan hadda la soo gudboonaatey tijaabo siyaasadeed oo tilmaan buuxda ka bixineysa mustaqbalkiisa siyaasadeed sida uu noqon doono, waxaana horyaala inuu kala doorto ama inuu isdhiibo oo guuldaradiisa soo hormariyo ama inuu mariinka horumarineed oo uu tilmaamay uusan cidna uga leexan, kaas oo ka soo bilowday doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee uu ka hirgeliyey goleyaasha deegaanka dowladaha hoose, taas oo guul ku soo dhamaatay, waxeyna tilaabadaas saanqaadkeeda horay loo soo bilaabay ay macnodaro ka dhigeysaa is hortaaga Isimada iyo mucaaradka ay hadda ku doonayaan inaan la dhameystirin soo gunaanadkeeda. Guusha siyaasadeed waxey u dhow dahay waxgaradka iyo siyaasiyiinta, iyo guud ahaan aqlabiyada shacabka Puntland oo ku raacsan Madaxweyne Deni dhameystirka doorashooyinka qof iyo cod ka ah oo ay weliba taariikhda xusi doonto in ay tahay Sooyaalka Soomaaliya markii ugu horeysey oo ay doorashooyinka qof iyo codka ah ay ka qabsoonto Puntland.

Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

 

Related posts

Israel oo codsatay wadahadal lagu sii dayn karo askarta iyo rayidka ay Xamaas ka qabsadeen

Cabdi Cade

Akhriso: Magacyada 10-ka arday ee kaalimaha hore ka galay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare

admin

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Afrika (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali