Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu shaqada uga joojiyay Shirkada Bilacsan .
Shirkada Bilicsan uu shaqada ka joojiyay Duqa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in gobolka Banaadir u qaabilsaneyd bilicda caasimada, waxa ayna shirkadan magaalada ka hirgalisay waxyaabo badan oo kor u qaaday bilicda Caasimada.
Wali lama oga sababta Gudoomiyaha gobolka Banaadir shaqada uga joojiyay shirkada Bilicsan uu horey shaqadeeda u amaanay Gudoomiye Yariisow, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in shirkadan wax ku leeyihiin xubno Dowlada Farmaajo mucaarad ku ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com