Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse oo si kulul u difaacay qadiyada reer Falastiin (Xamaas argagixiso maaha)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa difaacay qadiyada shacabka reer Falastiin iyo halganka ay ugu jiraan iney dhulkooda ka xoreeyaan Sahyuuniyada  Isael ee xooga ku qabsatay.

Waxaa uu sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanu ahayn urur argagixiso, balse uu yahay Urur xoreynayo dhulkooda, isagoo ku baaqay in lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo xal laba dawladood ah si loo soo afjaro dhibaatada ka taagan bariga dhexe ee taagan mudada qarniga ka badan.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad lagu xusayay Sheekh C/qaadir Al-Jilaani oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

“Waxaa nasiib darro ah in la arko caalamka oo ka aamusan waxa ka socda magaalada Gaza oo 15-kii daqiiqoba hal cunug oo Falastiini ah ayaa ku dhinto, taasoo ka dhalatay duqeynta ay ciidamada Israa’iil u geysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka reer Falastiin” ayuu yiri Xamse Barre

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hadalkiisa ku daray in caalamku iska daawanayo xasuuqa lagu hayo shacabka reer Falastiin, taasina ay tahay mid aan la abqali karin.

“Dowladihii sheegan jiray iney u doodayaan xuquqda insaanka ayaa ku taageersan Yuhuuda in carruur, haween iyo dad aan waxba galabsan inay ku baa’biso Israa’iil hub nuucay rabto, iyadoo uu aduunku daawaanayo, waxaa ay gaartay Israa’iil in ay beegsato gaadiidkii caafimaadka dhakhaatirtii iyo isbitaaladii” ayuu intaas ku daray

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in reer Gaza laga jaray biyihii, korontadii iyo cunadii oo ay ka hor istagtay Israa’iil, isagoo tilmaamay in xaaladda ka jirta magaalada ay tahay mid adag, waxuuna is waydiiyay halka ay jiraan kuwa u dagaalami jiray xuququl insaankii dadka oo uu ula jeedo dowladaha reer galbeedka.

Related posts

Maxaa kasoo baxay Shir goordhaw yeesheen Golaha Wasiirrada ?

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay doorasho caawa ka dhici laheyd Baladweyne

Caydiid Ali

Wasiirka Waxbarashada oo sheegay in si khaldan loo fasiray hadal uu Warbaahinta siiyey

admin
Taboola Ads ---