Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno isugu jira dil, xabsi ciisan iyo magdhaw bixin ku riday Jeneraal Sheegow iyo qaar kamid ah askartii ilaalada u aheyd ee la xirnaa.
Maxkamadda ayaana Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo ahaa sargaalka ugu sareeyay kooxda xukunka lagu riday ku xukuntay in uu bixiyo diyada askari uu dilay iyo magdhaw siinta mid kale uu dhaawacay, waxaa kale lagu xukumay Sheegow 10-sanno oo xabsi ah.
Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ) oo ahaa taliyaha maleeshiyada Horjooge Sheegow ayaa isna lagu Xukumay dil-toogasha ah, waxaana lagu helay ninkan in labo nin ku dilay maxkamadda Jowhar horteeda February 13-keedii sanadkan.
Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale 18-ka kale oo kamid ahaa ciidankii Sheegow ku xukuntay min lix sanno oo cabsi ciidan ah iyo in ay bixiyaan magta askari katirsanaa ciidanka dowladda oo gacantooda ku baxay.
Askarta kale ee xukunka lagu riady ayaa kala ah
Xasan Cali Maxamuud.
4. Saleeban Ahmed Cali Nuur (Baardees).
5. Cabdirisaaq Aadan Cali.
6. Axmed Cabdulle Abuukar.
7. Xuseen Cismaan Xuseen.
8. Maxamed Cabdulkadir Caamir.
9. Xasan Maxamuud Cusmaan.
10. Axmed Maxamed Cabdullahi.
11. Abuukar Cilmi Jeelow.
12. Axmed Abuukar Xaaji.
13. Maxamed Cali Abuukar.
14. Daahir Maxamed Cabdi.
15. Cabdullahi Xasan Aweys.
16. Saciid Cabdullahi Cabdi.
17. Yuusuf Maxamed Aadan.
18. Cabdiraxmaan Ibrahim Xasan.
19. Cali Abuukar Axmed.
20. Cabdiqaadir Maxamed Xasan.
Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale Cabdiraxmaan Ibraahim Baashow (Marshaale) iyo Maxamed Abuukar Cabdullahi,labadaba waxa ay ahaayeen kuwii dhaca gaystay ee uu ka bilowday Gacan ka hadalka, waxaana loo xeray sadax iyo tobankii August  ee sandkan iyaga oo dhac u gaystay dhibanayaasha kala ah, Xasan Axmed Xasan & Ciise Cali Muuse, waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Shan sano oo xabsi Ciidan ah iyo in loo celiyo Mobile-ladoodii.
Ugu Dambeyn maxkamadda ciidamada ayaa Maxamed Cabdi Deeqow(Agaasimaha), ku heshay in uu ahaa maal geliyaha kooxda, waxaana laga helay xeriirka telefoon kiisa ka shaqaynta raadka la qabtay ee ahaa Daabicista Dollarka Madow, waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com