Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Gudiga farsamada Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ee u qareemidda ka qeyb-galka haweenka siyaasadda dalka.
Wafdigan oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa gaaray magaalada Jowhar , si ay kulamo ula qaataan madaxda maamulka Hirshabelle.
Kulankaan ayaa looga hadlay muhiimada ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ka qataan ka qeybgalka arrimaha siyaadda iyo adkeynta qoondada haweenka oo ah saamiga ah ay siyaasada ku leeyihiin.
Gudigaan ayaa ka koobnaa Hay’adaha dowladda Federaalka, Wakiilo ka kala socday dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com