Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ee kasoo gaaraya ciidamada Isreal dagaalka ka socda magaalada Gaza, xilli ay ciidamada Yahuuda doonayaan in ay xoog ku qabsadaan magaalada Gaza.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay qeybo kamid ah magaalada Gaza waxaa galay ciidamo katirsan Yahuuda oo wata dabaabaadka dagaalka, waxa ayna ciidamadan iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada Xamaas.
War kasoo baxay milatariga Isreal ayey ku qirteen in khasaaro xooggan uu kasoo gaaray dagaalka ay kula jiraan Xamaas, waxa ayna geerida askarta Isreal tan iyo Talaadadii ay mareyso 15 askari.
Tirada guud ee ciidamada Isreal looga dilay dagaalka bishii October bilowday ayaa hadda gaartay 331-askari, halka tiro intaa ka badana laga dhaawacay, askarta laga dilay Isreal ayaa u badan dhallinyaro da’dooda u dhaxeyso 19-sanno jir ilaa 25-sanno jir.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com