Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo War ka soo saaray geerida Madaxweynihii hore ee Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Galmudug Marxuum Maxamed Axmed Caalin.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door weyn ka soo qaatay samata-bixinta iyo horumarinta bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug iyo hirgelinta nidaamka Federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bulshada Galmudug iyo guud ahaan dadka Sooomaaliyeed.

Maxamed Axmed Caalin wuxuu ahaa madaxweynihii 2-aad ee Galmudug, wuxuuna ka dambeeyay madaxweyne Maxamed Warsame Cali “Kiimiko” oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Galmudug, kaas oo isna geeriyooday 06-May- 2019.

Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin wuxuu door weyn ku lahaa dhamaystirka hanaankii dalka looga saarayay ku meel gaarnimada, wuxuuna ka mid ahaa madaxweyneyaashii saxiixay 2012.

Allaha u naxariistee Madaxweyne Caalin wuxuu xafiiska laga maamulo Galmudug fadhiyay intii u dhaxeysay 14 August 2009 illaa 1 August 2012, wuxuuna kursiga u banneeyay Janaraal Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” ka dib doorasho dhacday.

Related posts

Nin Cadaan ah oo toogtay Haweeney Madow ah uu ku qalday in ay tahay Jeer

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur oo si cad u shaaciyey inuu ALLE uga towbad keenay gefkii uu galay

Caydiid Ali

Musharax Wasiir Al Cadaala oo is dhiibay una sii hambalyeeyay Xildhibaankiisa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---