Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaabiis Israa’iliyiin ah & ajaaniib kale oo ku dhintay duqeyntii Jabalia

Xamaas ayaa sheegtay in duqaymo dhanka cirka ah oo Israel ay ku qaaday shalay xerada qaxootiga ee Jabalia ay ku dileen 7 qof oo la heystayaal ah kuwaasoo ku jireen saddex baasabooro ajnabi ah heystay

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50 qof ay ku dhinteen, halka Xamaas ay sheegtay in 400 ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen weerarka.

“Toddobo maxbuus ayaa lagu dilay xasuuqii ka dhacay Jabalia shalay, oo ay ku jiraan saddex baasabooro ajnabi ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay garabkooda milateriga.

Xamaas ayaa ilaa hadda sii daysay afar qof oo rayid ah oo ka mid ahaa 239 qof oo la rumaysan yahay in la hayo.

Diyaaradaha Israel ayaa maalintii labaad duqeymo ka geystay dhismayaal dabaqyo ah oo ku yaalla xero qaxooti oo u dhow magaalada Gaza, waxaana duqeymahaasi ay geysteen dhimasho iyo dhaawac badan.

Isgaarsiinta iyo adeegyada Internetka ayaa si tartiib tartiib ah dib loogu soo celiyay ka dib markii labaad ee la jaray shan maalmood gudahood, sida uu sheegay Paltel, bixiyaha adeegga ugu weyn. Hay’adaha gargaarka bini’aadantinimo ayaa ka digay in mad-madowga noocan oo kale ah uu carqaladeeyo shaqadooda xaalad markii horeba aad u liidatay oo ka jirtay Gaza.

Dhimashada Falastiiniyiinta ee dagaalka Israel iyo Xamaas ayaa gaartay 8,525, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Daanta Galbeed ee la haysto, in ka badan 122 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay rabshado iyo weerarro ay Israa’iil qaadday.

In ka badan 1,400 oo qof ayaa lagu dilay Israa’iil, kuwaasoo u badan dad rayid ah oo lagu dilay weerarradii ugu horreeyay ee 7-dii Oktoobar ee Xamaas ee billowday dagaalka. Intaa waxaa dheer, ku dhawaad 240 la haystayaal ah ayaa laga soo qafaashay Israa’iil oo la geliyey Qaza

Related posts

Xasan Shiikh: “Xariga Suxufiyiinta waa calaamad muujineysa dhaqan keli-talisnimo”

Caydiid Ali

Muxuu duqa Muqdisho ku soo arkay xarumaha Maamulka K/Galbeed ee Baydhabo? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Macalin Dugsi Qur’aan iyo afar kamid ah ardaydiisa oo lagu dilay Deegaanka Xaaji Cali

Cabdi Cade
Taboola Ads ---