Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoysas heysta Baasabooro ajnabi ah oo laga daad gureeyey Marinka Gaza (Sawirro)

Saacado kooban kadib markii la arkay gaadiidka gurmadka deg dega ah oo kasoo baxay Qaza oo u soo gudbay dhanka Masar kuwaasoo waday dad Falastiiniyiin ah oo dhaawac ah, ayaa waxaan hadda la soo sheegayaa in kooxdii ugu horeysay ee sita baasabooro ajnabi ah ay sidoo kale gaareen Masar iyagoo sii maray marinka Rafah.

Waxaa lagu soo warramayaa in dadka la soo daadgureeyay ay baaritaanno dhanka ammaanka ah ka marayaan xadka Masar.

Ilaa 500 oo qof oo heysta dhalashooyin ajnabi ah ayey maamulka Gaza sheegeen in lagu wargeliyay inay tagaan isgoyska Rafah si ay u galaan Masar.

Liiska waxaa ku jira Falastiiniyiin sidoo kale haysta dhalashooyinka Japan, Austria, Bulgaria, Indonesian, Jordan, Talyaani, Giriig, Australia iyo Czech.

Waxa kale oo jira liiska dadka u shaqeeya NGO-yo kala duwan oo haysta baasaboorada Spain, Italy, Philippines, Haiti, Germany, Mareykanka, Taiwan, Japan, Austria, Mexico, France, Kenya, Nigeria, South Africa, Armenia, Uganda, Ghana , Jordan, Sierra Leone, Ukraine, Czech Republic, New Zealand iyo Australia.

Waxay u muuqatay markii ugu horreysay oo dadka haysta baasaboorka ajnabiga ah loo ogolaado inay ka baxaan dhulka go’doonsan tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas in ka badan saddex toddobaad ka hor.

HOOS K DAAWO SAWIRRO

Related posts

Dal Muslim ah oo hawada u diray dayax gacmeed iyo Mareykanka oo ka carooday

Caydiid Ali

Biden oo si cad ugu hanjabay inuu difaacayo Taiwan haddii Shiinuhu soo weeraro

Caydiid Ali

Madaxweynihii ugu horeeyey dowlad goboleedyada oo Xamar soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---