Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub wax laga argagaxo ku sifeeyey weerarkii xerada Jabalia

Diblomaasiga ugu sareeya Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay inuu aad uga naxay tirada badan ee khasaaraha ka dhashay duqeyntii Israa’iil ee xerada Qaxootiga ee Jabalia.

“Aniga oo ka duulaya mowqifka cad ee Golaha Midowga Yurub ee ah in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay is difaacdo iyada oo la raacayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo xaqiijinta ilaalinta dhammaan dadka rayidka ah, waxaan ka naxay tirada badan ee dhaawacyada ka dib duqeyntii Israa’iil ee xerada qaxootiga Jabalia,” ayuu yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

“Sharciyada dagaalka iyo bini’aadantinimada waa in had iyo jeer la dabaqaa, oo ay ku jiraan marka ay timaado gargaarka bini’aadanimo.” ayuu intaas ku daray Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub

Weerarkii Talaadadii ka dhacay Jabalia ayaa waxaa ku dhintay Dad ka badan 100 qof, tiro intaas ka badanna waa lagu dhaawacay. In ka yar 24 saacadood ka dib, diyaaradaha Israel ayaa mar kale weeraray xerada.

Aaggan ayaa hoy u ah ku dhawaad 120,000 oo qof, waana xerada ugu weyn ee qaxootiga ee Marinka Gaza.

Related posts

Reer Galbeedka oo cuno qabateyntii ugu horeysey ku soo rogay Ruushka

Caydiid Ali

Dowlada oo qorsheeneysa in ay xirto salaxyada lagu ciyaaro ee kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Qorshe Howlleedka Maamulka G/Banaadir ee 2019 oo la meel mariyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---