Allbanaadir.com
NEWS

Qarax lagu soo qariyay weel raashinka lagu shubto oo Muqdisho lagu fashiliyay (Sawirro)

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta caasimadda ayaa maanta fashiliyay qarax nuuca miinada ah oo lagu soo qariyay weel raashinka lagu shubto ,gaar ahaan weelka loo yaqaan kululeysada.

Qaraxan ayaa lala damacsanaa in waxyeelo loogu geestay ciidanka xasilinta caasimadda ee booliisa milataare ee fashigooda yahay degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaan godka Cali Siyaad ee kuyaalla xaafada Warlaliska.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ay heleen xogta qaraxan lagu soo qariyay weelka raashinka karsan lagu shubto, waxa ayna xuseen in Al Shabaab damacsanaayeen in qaraxaasi waxyeelo ku geestaan.

Ciidamada booliiska gaar ahaan qeybta miino baarista oo gaaray goobta qaraxa lasoo dhigay ayaa fashiliyay, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in qaraxaasi si nabdoon u kala fur furaan ugana soo saaraan weelkii lagu soo qariyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaxda Yurubta Galbeed iyo Burburka Soomaaliya Maxaa Ka Dhexeeya !!?

Cabdi Cade

Xiliga dib loo furayo kulamada Baarlamanka Soomaaliya oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Dibad baxayaal Ciidanka dalkooda ugu baaqay in Afgembi sameeyaan !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---