Wargeyska The Bloomberg ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa qoray inay Israel iyo Maraykanka wada-xaajood hoose ka leeyihiin Xulashada dhowr Qoddob oo ku aadan Dagaalka XAMAAS iyo Israel kadib.
Waxay gorfeyn xoogan ku hayaan Xulashada in Ciiddamo Nabad-Ilaalin Isku-dhaf ah oo QM hoos taga la geeyo magaalladda Qasa ee Falastiin.
Labada dhinac waxay ka baaraan degayaan saddexdavXulasho oo ugu macquulsan ee loo diyaarin karo ciiddamo Nabad-Ilaalin ah.
Wargeyska The Bloomberg oo soo xigtay Ilo-wareedyo ayaa qoray in Maraykanka iyo Israel uu miiska u saaran yahay 3 Xulasho, Dagaalka XAMAAS kadib.
Qorshaha koobaad
In ciiddamo ka kala socda dal Carbeed sida Sacuudiga ama Imaaraadka Carabta loo xil saaro arrinta Nabad-Ilaalinta Qasa, iyadoo ay taageerayaan ciiddamo ka kala socda Maraykanka, UK, France iyo Germany
Qorshaha labaad
Ciiddamo Isku-dhaf iyo Goobjoogayaal in la diyaariyo oo la mid ah kuwa haatan ka hawlgala Gacan-biyoodka Siinaay ee ay Masar iyo Israel ku heshiiyeen.
Qorshaha saddexaad
In Maamulka Qasa si KMG ah loo hoos geeyo QM, balse, Israel waxay Soo-jeedintaasi u aragtaa “Aragti aan Macquul ahayn
Si kastaba, Wada-xaajoodka Qarsooodiga ee Maraykanka iyo Israel waxa uu u muuqdaa mid hareer marsan Mucaahadada Caalamiga ee Dhismaha Dowlad Falastiin oo xor ah oo Caasimadeeda tahay magaallada Quddus-ta ee ay Israel xooga ku haysato.
W/T Ustaad Nuuradiin
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com