Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Sulub iyo Dhigiisa dalka Turkiga oo arrimo Muhiim ah kawada hadlay

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan taliyaha qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir iyo taliyaha hoggaanka baarista dembiyada  ayaa safar shaqo ku gaaray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Safarka taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo saraakiisha la socota ayaa daaranaa iskaashi dhax mara iyo adkeynta xariirka dhaw ee ka dhexeeya ciidamada booliiska dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Jeneraal Sulub iyo waftigiisa ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidanka booliiska Turkiga Sarreeye Guuto Dr. Salmi Altinok, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen xoojinta xiriirka labada ciidan iyo sidii Turkiga tababaro dheeraad ah u siin lahaa booliiska Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa taageero dhinacyo badan ah siisa ciidanka booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo ay iyagu tababareen, waxa sidoo kale dowladda Turkiga tababaro siisaa ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Gor Gor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil tababar adag loogu soo xiray xerada Turksom (Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso Waxyaabaha laga filan karo kulanka beri yeelanayaan Baarlamaanka Soomaaliya

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha dibeda ee Kuuriyada Woqooyi oo booqasho yaab leh ku tegay dalka Sweden

Caydiid Ali
Taboola Ads ---