Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ciidamada milatariga Isreal kasoo gaaraya dagaalka ay kula jiraan kooxda Xamaas, xilli ciidamada ay weerar dhinaca dhulka ah ku qaadeen magaalada Gaza.
War kasoo baxay milatariga Isreal ayey ku qirteen in khasaaro xooggan uu kasoo gaaray weerar dhinaca dhulka ah ay ku qaadeen magaalada Gaza , waxa ayna sheegeen in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray shalay oo Talaado aheyd.
Isreal waxa ay sheegeen in dagaal shalay la galeen kooxda Xamaas looga dilay 11-askari, halka tiro kale oo intaas kabadana kaga dhaawacmeen, mana faah faahin milatariga Isreal qaabka loo dilay askartan.
Tirada guud ee ciidamada Isreal looga dilay dagaalka bishii October bilowday ayaa hadda gaartay 326-askari, halka tiro intaa ka badana laga dhaawacay, askarta laga dilay Isreal ayaa u badan dhallinyaro da’dooda u dhaxeyso 19-sanno jir ilaa 25-sanno jir.
Khasaaraha ciidamada Isreal kasoo gaaray dagaalka ay kula jiraan Xamaas ayaa noqday kii ugu badnaa ee sannado soo gaara, waxaana la filayaa in khasaaraha uu kasii badan doono inta hadda la ogyahay maadaama duulaan dhinaca dhulka ah ku qaadeen Gaza.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com