Allbanaadir.com
NEWS

Dowlado aan Islaam aheyn oo xiriirka u jaray Israel iyo kuw Safiiradooda kala soo baxaya

Waddamada caalamka ee sida weyn u cambaareenaya xasuuqa ciidamada Isreal ka geesanayaan magaalada Gaza ayaa sii kordhaya, xilli ciidamada Isreal ay gudaha u galeen magaalada Gaza oo ay maamulaan kooxda Xamaas.

Dowladaha reer Galbeedka ayaa garab istaag u muujiyay maamulka Isreal ee xasuuqa geesanaya, waxa ayna ka gaabsadeen in ay cambaareeyaan kana hadlaan xasuuqa ba’an ee Isreal u geesaneyso shacabka aan hubeysneyn ee Gaza kunool.

Dowladda Bolivia ayaa si adag u cambaareysay xasuuqa ay ciidamada Isreal ka geesanayana magaalada Gaza, waxa ayna dowladaasi caddedysay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jareen maamulka Isreal.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda dalka Bolivia Freddy Mamani oo warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay in xiriirka u jareen Isreal, waxa uuna sheegay in aan indhaha lagu fiirsan karin tacadiyada iyo xasuuqa Isreal u geesaneyso shacabka Falastiin.

Dhinaca kale hoggaamiyaasha dalalka Colombia iyo Chile ayaa u yeertay safiiradooda u jooga Isreal, waxa ayna hoggaamiyaasha labadan dal si kulul u cambaareeyeen xasuuqa Isreal geesanyso.

Labadan hoggaamiye oo qoraalo soo saaray ayaa si kulul u cambaareeyay tacadiyada Isreal, waxa ayna sheegeen in aan la aqbali karin waxa ay sameenayaan ciidamada Yahuuda Isreal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday goob Raashin lagu qeybinayay

Cabdi Cade

Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay $150 Malyan iyo Dowladda oo ka mahadcelisay

Cabdi Cade

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay geerida Shiikh Ismaaciil Max’uud Cigaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---