Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta Yemen oo Diyaarad Dronis ah ku weeraray Isreal iyo kala carar dhacay

Kooxda shiicada Xuutiyiinta ee saldhigooda yahay dalka Yemen ayaa diyaarad nuuca dronka ah ku weerartay magaalo loo dalxiiso oo kutaalla dhulka Isreal maamusho, waxaana weerarkaasi cabsi galinta ah ka dhashay kala carar.

Sargaal sare oo katirsan kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay in dhowr diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku weerareen magaalladda loo dalxiis tago ee Eliat ee kaabiga ku haysa xeebaha Badda Cas.

Waxa uu sheegay sargaalkan in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn u ganeen dhinaca Isreal gaar ahaan magaalada loo dalxiis tago ee Eliat, waxa uuna weerarkan xusay in jawaab u yahay dullaanka Isreal ku heyso Gaza.

Warbaahinta israel ayaa tabisay in diyaarad Drone oo ka timid jihada Badda Cas lagu soo riday hawada magaalladda Eilat , waxa ayna warbaahinta sheegeen in la daaray digniinta qeylo dhaanta , taa oo cabsi iyo kala carar ku riday dadka magaallada joogay.

Dalxiisayaal badan oo ku sugnaa magaalada Eliat ayaa bilaabay in ay kala cararaan oo gabaad ka dhigtaan dhismayaal waa weyn, waxaana wali magaalladan ka jirta cabsi la xariirta in weerrao kale lagu soo qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyihii Degmada Xamar Weyne oo la sheegay in Shirqool lagu xiray

Cabdi Cade

Dowlad dooneysa in ay Dumiso Masjid weyn iyo Muslimiin ka carooday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

War cusub oo kasoo kordhay Haweeneydii la sheegay in ay dhashay 10 cunug oo mataano ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---