Allbanaadir.com
NEWS

Craig Mokhiber oo ciil artiis isaga casilay xilkii uu ka hayay Qaramada Midoobay

Agaasimihii xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ee magaallada New Yourk Craig Mokhiber ayaa iska casilay xilkii uu hayay, kaddib markii uu ka carrooday sida la isga daawanayo xasuuqa loo geesanayo shacabka Falastiin.

Craig Mokhiber ayaa u dulqaadan waayay sida ay hay’adda Qarmada Midoobay ugu guul-daraysatay waajibkii ka saarnaa sidii looga hor tegi lahaa xasuuqa aan indhaha laga qarsan karin  ee Isreal u geesaneyso dadka Falastiin.

Agaasimaga is casilay ayaa tilmaamay in ay Qaramada Midoobay horey uga fashilantay sidii looga hortegi lahaa xasuuqyadii Tuudsigii dalka Rwanda, kii Muslimiinta Bosnia, Rohingya dalka Myanmar iyo Yasidiga dalka Iraq.

Waxa uu sheegay Craig Mokhiber in loo baahan yahay in Falastiin laga dhiso dowlad madax bannaan oo xaquuq siman u leeyihiin Muslimiinta, Kirishtaanka iyo Yuhuuda, lana joojiyo gumeysiga iyo dadka Israel ee la dejinayo dhulka rasmiga ee Falastiin.

Agaasimaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Xaquuqda Aadanaha ayaa kasoo shaqeenayay Qaramada Midoobay tan iyo 1992-dii, waxa uuna kasoo shaqeeyay dalal badan ay ku jiraan Falastiin, Afganistan iyo Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilal qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho & degmada Afgooye

Caydiid Ali

Nin dhalinyaro ah oo kufsi argagax leh kula kacay ayeeyo 86 sano jir ah

Caydiid Ali

Wasiirad Fowsiya oo ka hadashay wararkii ugu dambeeyey ee cudurka COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---