Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo qiratay duqeyntii Xerada Qaxootiga Jabaliyah iyo Khasaaro kasoo gaaray dagaalka..

Afhayeenka Milliteriga Israel, Daniel Hagari oo Shir Jaraa’id caawa ku qabtay magaalladda Tel Aviv waxa uu marka hore xaqiijiyey inay ciiddankooda khasaare ba’an kala kulmeen Dagaalkii ay garabka Kataa’ib Qasaam ee Ururka Xamaas kula galeen magaallada Qasa.

Ma uusan faahfaahin tirada guud ee askarta Israel looga dilay dagaalkaasi, inkastoo ay Xamaas sheegeen inay dhowr askar Israeli ah dileen, isla markaana gubeen 22 gaadiidka teknikada oo ay Taangiyo ku jireen.

Afhayeenka waxa kale oo uu xaqiijiyey inay ka dambeeyeen duqeyntii loo geystay xerada qaxootiga ee Jabaliya ee Waqooyiga magaalladda Qasa kutaal, duqeyntaasi oo la sheegay in ay ku dhinteen dad gaaraya 400 oo qof .

Daniel Hagari ayaa sheegay sababaha ay u weerareen xerada qaxootiga ee Jabaliyah inay ahayd iyagoo ku raad joogay hoggaamiye weyn oo dagaal oo lagu magacaabo Ibraahim Biari, kaasi oo horkacayey dagaallamayaasha Xamaas, tan iyo markii ay milliteriga Israel soo galeen waqooyiga magaallada Qasa, waa sida uu hadalka u yiri.

Afhayeenka Milliteriga Israel waxa uu sheegay in qarixii burburiyey dhismayaasha xerada qaxootiga ee Jabaliyah uu ka dhashay waxa uu ugu yeeray hub khatar ah oo ay haysteen Ibraahim Biari iyo kooxdii la socotay oo uu sheegay inay ku dhinteen duqeyntaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin dhalay in ka badan 100-carruur ah oo go’aansaday in Xaasaskiisa dhalmada ka joojiyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Anita Kiki Gbeho & wafdi la socday oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Biden oo shaki geliyey tirada badan ee dhimashada Gaza & jawaab cad oo la siiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---