Madaxwaynaha FIFA Gianni Infantino ayaa ku dhawaaqay in Sucuudigu yahay marti galiyaha koobka aduunka ee FIFA 2034.
FIFA ayaa horaantii bishan ku dhawaaqday in kaliya tartamayaasha Asia iyo Oceania la tixgalin doono sanadka 2034-ka, iyagoo sabab uga dhigaya isku dheelitirka qaaradaha ee tartanka.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo Spain, Portugal iyo Morocco ay ku heshiiyeen in wadajir u marti geliyaan Koobka Adduunka 2030, iyadoo Argentina, Paraguay iyo Uruguay ay martigelinayaan min hal kulan.
Sacuudi Carabia ayaa soo bandhigtay warqad ay ku dooneyso inay ku martigeliso ciyaaraha 2034 wax yar ka ka hor markii FIFA ay ku dhawaaqday.
Australia oo loo arkayay in ay tahay dalka kaliya ee la tartami karta dalabka Sacuudiga, ayaa ku dhawaaqday inay go’aansatay inay Sacuudiga u tanaasusho.
Guddiga maamulku waxa uu sheegay in uu samayn doono habraac dhammaystiran oo qandaraas iyo qiimayn ah, iyadoo si rasmi ah loogu xaqiijin doono go’aankan magacaabista shirweynaha FIFA.
Martigelinta Sacuudi Carabiya ayaa la kulmi doonta muran, inkastoo ay xoojiyeen saameyntooda  isboortiga sannadihii ugu dambeeyay sida qabashada tartamada feerka iyo shaqaaleysiinta xiddigaha caanka ah sida Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema oo ku biiray horyaalka Sacuudiga (Saudi Pro League)
Sacuudi Carabiya ayaa u soo baxday Koobka Adduunka, lix jeer iyadoo markii ugu horeysay ay ka soo muuqdaan 1994.
Waxa ay si gaar ah 2-1 uga badiyeen xulka difaacanaya koobka adduunka ee Argentina tartankii lagu qabtay Qatar 2022.