Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM)
Golaha ayaa muddo 12 bilood oo kale ah u kordhiyey hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) si Soomaaliya looga taageero hawlaha dib u kabashada ee ay dowladdu samaynayso.
“Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, maanta, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ee ku salaysan taageerada dawlad dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya, muddo 12 bilood oo kale ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska UNSOM.
Shaqada Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ayaa ku salaysan taageerada dawlad dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya.