Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska Dhuusamareeb oo War ka soo saaray dilalkii ka dhacay Magaaladaas

Laamaha ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay baaritaanno ku wadaan labo qof oo caawa lagu dilay magaaladaas.

Shiikh Xasan Diirshe cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo agaa rag ganacsato ah ayaa la sheegay in lagu dilay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ka dib markii ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo baxsaday.

Labada ganacsatada ah ee la dilay ayaa la sheegayaa in ka mid ahaayeen dadka ugu magaca dheer ee magaalada, iyadoo lasoo sheegayo in dilkooda uu abuuray cabsi iyo argagax

Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb Nuur Cilmi Hoosagale ayaa falkan ku tilmaamay mid argagax leh.

“Walaaleheen ayey gacan kaxaq daran caawa ku dileen Dhuusamareeb, waxa ay kamid ahaayeen dadka ugu macquulsan magaalada, waxa ayna ahaayeen ganacsato, marka xigta Falkaan waa mid aragagax leh, cid kasta oo geysatay wax ay uga dan leedahay qal-qal gelin amni” ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu sheegay inay baaritaanno wadaan lana qabtay dad lagu tuhusan yahay in ay lug lahaayeen dilka ganacsatada, iyadoo dhinaca kale arrintan dilka ayaa la’isla dhex marayo inuu salka ku hayo aano qabiil.

“Baaritaanno ayaan sameynay oo waxaa lasoo qabtay dad laga shakiyay, waxaa jira tuhmanayaal aan heyno magacyadooda, haddana aan ku howlannahay in aan gacanta kusoo dhigno, arrinta kale ayaa ah in falkan uu yahay mid amniga loogasoo horjeedo iyo mid ay ku jiraan dano siyaasadeed mana aaminsanin in ay tahay arrin salka ku heysa aano qabiil” ayuu yiri taliyaha.

Waxa la sheegay in uu dilku ka dhacay meel ka baxsan goobahooda ganacsi iyadoo isla markaana ay isla socdeen xilliga labadoodaba la dilayay.

“Dilku waxa uu ka dhacay gudaha magaalada, waxa uu dhacay xilli uu roob da’yay oo lakala okoranayay, marka loo fiiriyo xilliyagana waxa ay ahayd waqti is beddelka shaqada uu dhacayay oo is beddelka ciidamada uu socday, oo shaqadii habeenimo iyo tii maalinnimo la’is dhaafsanayay”. ayuu intaas ku daray taliyaha.

Taliyaha oo ka hadlayay ayaa xusay in dilku u muuqday in lala eegtay waqtiga uu dhacayay, uuna ka dhacay meelo kabaxsan shaqadooda balse aan ka fogeyn, isagoo xusay inuu ahaa mid lagu carqadeynayo amniga magaalada”.

 

Related posts

Su’aalo laga keenay Heshiis ay Dowlada la saxiixatay Shirkada Royal Dutch Shell & Exxon

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo awaamiir culus ka soo saartay Xakameynta Covid-19

Caydiid Ali

Ciidamada Gor Gor ee ku sugan Muqdisho oo Howlgal loo diyaariyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---