Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo duqeyn culus ka geysatay xerada Jabalia iyo dad ku dhamaaday (Sawirro)

Weerar cirka ah oo galabta qorax dhacii Israel ay ku beegsatay koox guryo la deggan yahay oo ku yaalla xerada Jabalia ee waqooyiga Gaza ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan

Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu dilay goobta. iyadoo dadka la dilay intooda badan ay kasoo jeedaan hal qoys. guryaha ayaa dumay iyadoo dadku weli ku jiraan burburka

“Ma hayno tirada saxda ah ee dadka dhaawaca ah, laakiin waxaan aaminsanahay in boqolaal la keenayo isbitaalada deegaanka ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka Indonesia ee Gaza oo intaas ku daray in dad badan ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday xerada qaxootiga ee Jabalia.

“In ka badan 50 qof ayaa ilaa hadda la dilay,” ayuu Atef al-Kahlout u sheegay Al Jazeera, isagoo intaas ku daray in isbitaalku uusan awoodin inuu bixiyo tirada guud ee dhaawacyada maadaama ay weli tirinayaan dhibbanayaasha.

“Isbitaalku wuxuu gabi ahaanba joojin doonaa shaqadiisa berri fiidkii sababtoo ah shidaal la;aan,” ayuu agaasimuhu ka digay.

War ka soo baxay Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sidoo kale lagu sheegay in ugu yaraan 50 qof ay ku dhinteen duqeynta.

“In ka badan 50 shahiid iyo ku dhawaad 150 dhaawac ah iyo daraasiin ku hoos jira burburka, xasuuq ba’an oo Israel ah oo lala beegsaday aag ballaaran oo guryo ah oo ku yaal xerada Jabalia ee waqooyiga (Gaza),” ayaa lagu yiri bayaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in weerarka ka dhacaya xerada uu ahaa dhulgariir oo kale.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeynta xerada Jabalia lala beegsaday taliyaha Xamaas

Afhayeen u hadlay ciidamada Yuhuuda Daniel Hagari ayaa sheegay in ciidamada Israel ay weerar ballaaran ku qaadeen Jabalia ayna dileen taliyihii Xamaas Ebrahim Biari.

Milateriga ayaa ku tilmaamay Biari inuu yahay taliyaha guutada xarunta Jabalia ee dagaalada ka socda dhammaan waqooyiga Qaza. Hagari ayaa sheegay in ciidamada Israel ay la dileen ilaa 50 dagaalyahan oo Xamaas ka tirsan.

Hagari ayaa intaa ku daray in weerarka Jabalia uu si ba’an u burburiyay taliska iyo xarunta laga maamulo Xamaas, hase ahaatee weli Xamaas kama hadlin sheegashadan

Muuqaalo laga soo duubay qasaaraha ka dhashay weerarka ayaa muujinaya burbur baahsan, iyadoo dad badan oo rayid ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Jabalia waa xerada ugu weyn siddeedda xero qaxooti ee Marinka Gaza.

Kaamka ay dadku ku badan yihiin ee ku yaal waqooyiga deegaanka go’doonsan ayaa ku fadhiya dhul dhan 1.4 km oo laba jibaaran oo kaliya. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, waxaa xerada ku jira ilaa 116,000 oo qaxooti ah.

Milateriga Israa’iil ayaa marar badan garaacay xerada tan iyo markii uu dagaalka billowday, sida 9, 12, 19 iyo 22kii Oktoobar, halkaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen boqolaal qof, iyadoo duqeyntan u dambeysay ay tahay tii ugu khasaaraha badneyd.

Xerada ayaa waxaa ku yaalla saddex iskuul oo ay maamusho Qaramada Midoobay, kuwaasoo laga dhigay hoy ay ku noolaadaan boqolaal qoys oo barakacayaal ah.

Sida ay sheegtay QM, xerada ayaa waxaa ka jira ciriiri iyo nolol la’aan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland oo eedeyn culus u jeediyey Madaxweyne Deni

Caydiid Ali

Madxafka qaran ee Suuriya oo mudo kadib dib loo furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Aadan Madoobe oo booqday Masjidka uu ku aasan yahay Shiikh C/qaadir Jeylaani

Caydiid Ali
Taboola Ads ---