Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay xubnaha Soomaaliya ku metela IPU? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan ku xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Midowga Baarlamaanada Aduunka (IPU).

Guddoonka ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan shirka meertada 147-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka oo ay xubnaha uga qeyb galeen magaalada Luanda ee caasimada dalka Angola.

Waxaa shirkaas looga hadlaayay midnimada, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada iyo dimoqraadiyadda. Sidoo kale waxay Guddoonka lawadaageen doorashadii madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Aduunka.

Doorashadan ayaa waxaa musharaxiinta isku soo taagay ka mid ahayd Xildhibaanad Marwo Cabdi Bashiir oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka oo markii dambe looga guuleystay tartanka ka dib markii ay DF ay garabkeeda kla baxday.

Warqad la sheegay inay ka soo baxday xafiiska Gudoomiayaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartanka Kursiga Madaxweynaha Barlamaaanka Aduunka taasoo buuq badan ka dhex dhalisay baraha bulshada

Xildhibaanad Marwo Cabdi Bashiir oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay in warqadu ahayd mid iyada xitaa lagu been fariimay maadama lagu qoray inay iyadu isaga hartay tartanka.

Waxay intaa ku dartay markii ay aragtay warqada inay xiriir la samaysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, balse uusan u sheegin wax sababa.

Masuuliyiin ka tirsan DF ayaa markii dambe laga soo xigtay in in Soomaaliya ay doonayso kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay iyo ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, sidaasna ay ku badalatay inaan loo tartamin kurisga Madaxwynaha Baarlamaanka Adduunka.

Related posts

Khasaaraha dagaalka Israel iyo Falastiin oo kordhay & Warararkii u dambeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Dheere oo ka hadlay qorshe Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah dalka lagu soo gelinayo

Cabdi Cade

Bilkheyr Islamic Online oo Ogeysiis muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade