Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cabsi iyo khalkhal xoogan oo soo wajahay Dayuuradaha rakaabka Israel

Shirkadda dayuuradaha El Al ee dalka Israel  ayaa billowday inay duullimaadyo saacado badan qaadaneya oo isku xirta Tel Aviv iyo Bangkok, Thailand, si ay uga fogaato iney dulmarto dalalka carabta qaarkood iyo Iran oo taageerta Xamaas inta lagu guda jiro duulimaadka.

Talaabada shirkadda ayaa timid ka dib markii ay soo gaareen digniino ka yimid heyadaha sirdoonka Yuhuuda oo sheegayey iney jirto khatar aan kala kulmi hawada dalalka carabta qaarkood, iyadoo arrintan lagu fasiray cabsi iyo khakhal soo wajahay Israel tan iyo weerarkii Xamaas, maadaama dalalka carabta aysan soo saarin amar sheegay ineysan hawadooda dulmari karin dayuuradaha Israel.

Duulimaadka El Al ee ELY 85 ma aysan qaadin dariiqii hore ee shirkadda ee dul mareyay Cumaan iyo sacuudiga Talaadadii, sida ay sheegeen warbaahinta Israel iyo Associated Press.

Taas beddelkeeda waxa ay dib ugu soo laabatay dariiq dheer oo wareeg ah kaasoo mara koonfurta Sucuudiga iyo badda cas ka hor inta aanay u leexan bariga Geeska Afrika oo ay uga sii gudbeyso badweynta Hindiya.

 

 

Related posts

Ciidamo cusub oo lagu arkay magaalada Kismaayo iyo cabsi lasoo daristay Musharaxiinta qaar

Cabdi Cade

Weerar khasaaro geestay oo lagu qaaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho

Cabdi Cade

DF oo ku guuleysatay xalinta caqabad heysatay Soomaalida ku nool dalka Sudan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---