Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada weriyeyaasha lagu dilay dagaalka Israel & Xamaas oo la shaaciyey

31 wariye ayaa lagu dilay magaalada Qasa tan iyo markii ay Xamaas weerarka ku qaadday Israa’iil soddex toddobaad ka hor.

Guddiga difaaca wariyaasha ee fadhigiisu yahay Mareykanka ee CPJ, ayaa sheegay in tiradaan ay ka dhigan tahay colaaddii ugu dhimashada badneed dhanka suxufiyiinta tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Wariyaasha dagaalka Qasa ku dhintay waxaa ku jira Roshdi Sarraj, oo aad looga yaqaaney dhulka Falastiin ahaana filim-sameeye iyo Issam Abdallah,oo ahaa wariye muuqaallada duuba fadhigiisuna ahaa Beirut.

26 ka mid ah weriyaashaan waa Falastiiniyiin halka saddex ka mid ah ay yihiin Israa’iiliyiin midna waxaa uu u dhashay dalka Lubnaan.

Ma cadda in dhamaan wariyaashaan ay tebinayeen colaadda ka aloosan Qasa markii ay geerida la kulmeen iyo in kale.

Milatariga Israa’iil ayaa ee dagaalka ka wada Marinka Qasa ayaa warbaahinta u sheegay in aysan damaanad qaadi karin dadka ku sugan aagga dagaalladu ka socdaan.

Related posts

Garoonka cusub ee dayuuradaha Garowe oo si casri ah loo qalabeeyey & C/wali Gaas oo kormeeray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasiga Nuur Ismaaciil oo shacabka ka dalbaday in aay muujiiyeen dareenkooda ku aadan heshiishkiii dekada Berbara’

Cabdi Cade

Daacish oo xirtay goobo badan oo Ganacsi oo kuyaala Suuqa Bakaaraha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---