Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Q/Midoobay oo shaacisay tirada dadka ku dhintay iyo barakaca roobabka Deyrta

Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 278,000 oo kalena way saameeyeen roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ay sameeyeen webiyada tan iyo markii ay bilowdeen roobabka xilliga Deyrta, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bini’aadantinimada (OCHA).

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee fatahaadda ku sheegtay, in 43,840 qof ay ka barakaceen dhulkoodii, iyadoo badi laga diiwaan geliyay dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Hay’addu waxay sheegtay in dadkani weli ay u nugul yihiin daadadka dambe haddii roobabku sii socdaan sida la saadaaliyay maadaama inta badan goobaha loo barakacay ay ku yaalaan dhul joog hoose ah.

Sida ay sheegtay OCHA, ugu yaraan 3 qof ayaa wali lagu la’yahay Baydhabo iyo Galmudug, 150 kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen degmada Luuq ee dowlad goboleedka Jubaland intii lagu guda jiray roobabkii lixaadka lahaa ee da’ay 22 Oct.

Related posts

Shirar looga soo horjeedo dowlada Soomaaliya oo ka socda magaalada Nairobi

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Somalia oo safiir u magacaabay Siyaasi caan ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xukun Dil ah oo lagu fuliyay Saddex nin oo ka dambeeyay qaraxyo dad badan ku dhinteen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---