Allbanaadir.com
NEWS

Tirada dadka ciidamada Israel ku laayeen Gaza oo la shaaciyay iyo Carruur badan oo…

Ciidamada Isreal ayaa wali duqeymo culus oo cir iyo dhul ah ku garaacaya magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna ciidamada Yahuuda doonayaan in dhulka la simaan magaalada Gaza sidoo kale laayaan dadka kunool.

Wasaarada caafimaadka maamulka Xamaas u qaabilsan Gaza ayaa maanta soo saartay tiradii ugu dambeysay dadka ay ciidamada Yahuuda Isreal ku laayeen Gaza, waxaana saacadbo saacada ka dambeysa khasaaruhu yahay mid sii kordhaya.

War kasoo baxay wasaarada caafimaadka Xamaas ayaa lagu shaaciyay in tirada dadka ciidamada Isreal ay laayeen gaarayaan 8,306 qof, waxaana dadkaasi dhintay 3,457 ka mid ah yihiin carruur .

Duqeymaha ciidamada Isreal ku wadaan magaalada Gaza ayaana wali sii socda, waxa ayna ciidamada Isreal isku dayayaan in weerar dhinaca dhulka ah ku galaan magaalada Gaza , halkaas oo difaacyo adag uga jiraan kooxda Xamaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Niyazi Acar iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maanta soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka qeyb galay Caleemo saarka Masuuliyiin la doortay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo baaq Wadajir ah soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---