Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada ciyaaraha dowlad gobaleedyada, SSC Khaatumo iyo Gobolka Banaadir 2023-2024.
Xubnaha guddigan uu magacaabay wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ka kooban 7-xubnood ayaa ka shaqeyn doona qaban qaabada tartankan oo dhawwaan la filayo in uu si rasmi ah u bilowdo.
Tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa sannadkan waxaa ka maqan maamulka Puntland, waxaana sannadkan lagu soo daray oo markii ugu horeysay dheelaya maamulka SSC-Khaatumo .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com