Siyaasiyiinta mucaraadka ee kasoo horjeeda madaxweynaha maamulka Puntland ayaa si adag uga hor yimid hadal uu shalay jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland, waxa ayna ku eedeeyeen in colaad sukeeye ka abuurayo deegaannada Puntland.
Madaxweyne Deni oo shalay hadal ka jeediyay munaasabad xil wareejin ah ayaa sheegay in xilka oo la iska joogo ay tahay mid caadi ah, waxa ayna siyaasiyiinta mucaaradka hadalka madaxweynaha ku tilmaameyn mid uu xilka ku joogayo kuna hurinayo colaad.
Siyaasiyiinta daladda mucaaradka Puntland ku bahoobay ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay in horey colaado dhiig ugu daateen uga huriyay magaalooyinka Boosaaso ,Garawe iyo Gaalkacyo.
Mucaaradka madaxweyne Deni ayaana ugu baaqay ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland in ay ilaaliyaan sharciga iyo dastuurka u yaalla Puntland, waxa ayna uga digeyn in ay siyaasada ku milmaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com