Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo qaadeysa talaabo dhinaca socdaalka ah oo dad badan ka yaabisay

Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay joojinayso shuruudaha dal ku galka dhammaan dadka Afrikaanka ah ee dalkan soo booqanaya halka lagu gaaro dhammaadka sanadkan.

“Waxaa la joogaa waqtigii aan ogaan lahayn in xaddidid fiisaha dhexdeenna aysan dani inuugu jirin,” ayuu u sheegay shir caalami ah.

Socdaalka fiisa la’aanta ee qaaradda ayaa ahaa yoolka Midowga Afrika (AU) tobankii sano ee la soo dhaafay.

Inkasta oo ay jiraan heshiisyo goboleed iyo qabanqaabo laba geesood ah, horumarka loo marayo qaadista xannibaadaha ayaa ahayd mid gaabis ah.

Seychelles, Gambia iyo Benin oo kaliya ayaa fiiso la’aan lagu geli karaa dhammaan dalalka Afrikaanka ah, sida lagu sheegay warbixin uu taageero Midowga Afrika 2022.

Laakiin marka loo eego Tusaha Furitaanka Dal-ku-galka Afrika oo cabbiraya heerka uu waddan kasta oo Afrika ku yaalla u furan yahay dadka ka imanaya waddamada kale ee Afrika – waddammada intooda badani waxa ay horumar ka samaynayaan fududaynta hababka gelitaanka oo ay xannibaadyo ku soo rogaan waddamada kale qaarkood.

Sannadkii 2022, Kenya waxa ay gashay kaalinta 31-aad marka loo eego 54 gobol.

Madaxweyne Ruto ayaa dadweynihii ku sugnaa Congo-Brazzaville u sheegay inay u xun tahay ganacsiga.

Horaan ayey ahayd markii madaxweynaha Kenya uu sheegay in Kenya ay caalamka oo dhan u ogalaan doonto inay dalkiisa kusoo galaan Fiisa la’aan.

Xigasho: BBC

Related posts

Daawo:-Somaliland oo ka hor timid Ciidamada caalamiga ah ee laga dhisayo Badda cas !!

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Fariimo ku socda Antonio Guterres u dhiibay James Swam (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Soomaali ah oo Soomaali kale ku dilay Dresden & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---