Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo balan-qaad culus ka helay dhigiisa Mansur Yavaş (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiya ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa Magaalada Ankara Mudane Mansur Yavaş kadib markii uu Casuumad rasmi ah ka helay.

Kulanka ayaa waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada Magaalo iyo dib u soo nooleynta mataaneyntii ay lahaan jireen Muqdisho iyo Ankara sanadihii 1989.

Mansur Yavaş ayaa balan-qaaday inuu maamulka gobolka Banaadir ka taageerayo arrimaha Nadaafada, amniga, bilic soo celinta iyo dib u dhiska, isagoo Gudoomiye Madaale ku amaanay waxqabadka uu la yimid mudada kooban ee uu xilka hayo.

Waxaa goobjoog ka ahaa kulankas Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga ee Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiye Madaale ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Turkiga waxa uu la kulmi doonnaa Madax kala gedisan oo ka tirsan Dowladda Turkiya iyo hey’addo dhowr ah oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta.

Related posts

Baarlamanka Somalia oo guda galay Cutubka saddexaad ee dib u eegista Dastuurka (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Rooble oo qaabilay Kate Foster kalana hadlay arrimo muhiim ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Cawad oo booqday Xarunta Qaramada Midoobay ee Xalane (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---