Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xus loo sameeyey qaraxii Zoope-2 & RW Xamse & xubno kale oo ka qeyb galay (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in weerarkii al-shabaab ku qaadeen xarunta Wasaarada hidaha iyo tacliinta sare oo ku taalla Isgoyska Zoope 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay dowladdu ka bixisay jawaabo deg-deg ah oo ay ka mid yihiin dagaalka looga sifeynayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay naxariistiisa Janno in uu ka waraabiyo shuhadadii naftooda ku waayey falkaas argagixiso, waxuuna hoosta ka xariiqay in aan looga hari doonin daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed wax uu ugu yeeray kooxaha dhagar-qabayaasha ah oo laga xoreeyey deegaanno badan oo dalka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Waxbarashadu aysan u hakan doonin falalka gurracan ee argagixisada, iyadoo miisaaniyadda cusub ee dhawaan la ansixiyey ay kamid yihiin shaqaaleysiinta 6-kun oo macallimiin ah, kuwaasoo wax baraya ubadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay madal lagu xusuusanayey, looguna ducaynayey shuhadadii naftooda ku waayey weerarkii 29kii Oktoobar, ayaa ku ammaanay guud ahaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed sida ay ugu baraarugsan yihiin wax uu ugu yeeray dhagarta cadowga baneystay daadinta dhiiggooda.

Related posts

Israa’iil oo ugu dambeyn heshiis xabad joojin ah la gaartay kooxda Xamaas

Caydiid Ali

Mahad & qoyskiisu dowlada Soomaaliyeed ayey cadaalad ka sugayaan! Dhacdo Murugo leh (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

K/Kuuriya oo War cusub ka soo saartay waxa ka jira geerida Kim Jong Un

Caydiid Ali
Taboola Ads ---