Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xisbullah oo dayuurad dagaal ka soo riday Israa’iil iyo Wararkii u dambeeyey Gaza

*Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa weerar ku qaaday degaanka Tal al-Hawa ee magaalada Qaza oo ku dhow Isbitaalka Al-Qudus. Weerarkan oo ka dhacay meel 20 mitir u jirta isbitaalka, ayaa burburiyay daaqadaha, waxaana uu qiiq ku faafay meel kasta oo xarunta ah.

Tani waxay imaaneysaa iyadoo ciidamada Israel ay soo saareen digniino ay u jeedinayaan maamulka isbitaalka inay si deg deg ah uga guuraan, iyagoo ku hanjabay inay duqeyn doonaan dhismaha.

Duqeymihii ugu dambeeyay ee dhanka cirka ah ayaa durba waxyeelo u geystay qeybo ka mid ah Isbitaalka, kaasoo sidoo kale hoy u ah in ka badan 14,000 oo Barakacayaal ah.

​*Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa ku cadaadinayaa RW Netanyahu ilaalinta rayidka ku dhaqan Gaza iyo kordhinta gargaarka xili ay sii kordheyso cambaareynta caalamka ee ka dhanka ah Israel iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in Israa’iil ay u difaacdo muwaadiniinteeda si ay sidoo kale u ilaaliso dadka rayidka ah sida uu sheegay Aqalka Cad.

Biden ayaa sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in si degdeg ah loo kordhiyo qulqulka gargaarka bini’aadantinimo si loo daboolo baahiyaha rayidka ee Gaza.

*Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil taasoo ku dhacday koonfurta bari ee dalka Lubnaan, iyadoo gantaalaha cirka ku riday gudaha dhulka Israa’iil.

Dayuuradan oo nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa lagu garaacay meel u dhow deegaanka Khiyam oo qiyaastii 5km u jirta xuduudka Israa’iil, sida uu sheegay ururka Xisbullah.

Laba ilo oo dhanka ammaanka ah oo ku sugan Lubnaan ayaa wakaaladda u sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo Xisbullah ay ku dhawaaqdo inay soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay.

*Dhimista gaarsiinta gargaarka ee dadka deggan Gaza waxaa laga yaabaa in loo tixgeliyo dambi dagaal gudaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha sare.

*Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn (RSF) ayaa sheegay in dilka weriyaha Reuters Issam Abdallah oo horaantii bishan lagu dilay Lubnaan uu ka dhashay weerar ula kac ah oo uga yimid dhanka xadka Israel.

*Wasiirka arrimaha dibadda Iran Hossein Amirabdolahian ayaa beeniyay eedeymaha ku saabsan ku lug lahaanshaha tooska ah ee Iran ee weerarkii 7-dii October ee kooxda Xamaas, isaga oo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

*Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah la gaarsiiyo Gaza oo ay dagaalladu aafeeyeen, sida ay sheegtay dowladda UK.

Related posts

Raisul Wasaare caan ah oo la ganaaxay markii uu ku xad gudbay xayiraada COVID-19

Caydiid Ali

Maxay tahay xarunta cusub ee uu Jowhar ka furay Cali Guudlaawe? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladihii Yurub ee hakiyey talaalka AstraZeneca oo go’aan cusub qaatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---