Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Q/Midoobay oo cambaareysay digniin ay Israel siisay Isbitalada Magaalada Gaza

Madaxa heyadda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa sheegay iney ka walaacsan yihiin digniino ay Israa’iil ku bixisay in si degdeg ah looga baxo Isbitaalka Al-Quds ee marinka Qaza.

“Waan ku celinaynaa – suurtagal maaha in la daadgureeyo Isbitaallada ay ka buuxaan bukaannada noloshooda ay ku jirto halis” ayuu yiri Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Isbitaalkan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee lagu daweynayo dhaawacyada ka dhashay duqeymaha Israel ayaa ku yaala agagaarka Tel al-Hawa ee marinka Gaza.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa ku booriyay beesha caalamka inay cadaadis ku saaraan ciidamada Israel inay joojiyaan beegsiga kaabayaasha caafimaadka iyadoo ugu baaqday Masar inay furto xadka Rafah.

“Waxaan waydiisanay beesha caalamka inay joojiyaan gardarada Israel iyo weerarada ka dhanka ah isbitaalada, dadka barakacay iyo gargaarka Caafimaadka,” ayuu yiri Ashraf Al-Qudra oo intaas ku daray in howlaha isbitaalka ay si aad ah u carqaladeeyeen joogitaanka kumanaan qof oo barokacayaal ah oo hoy ka dhigtay.

“Walaalaheena Masar waxaan ka codsaneynaa in ay dib u furaan isgoyska Rafah oo ay u fasaxaan inay shaqeyso si loo helo gargaar caafimaad oo joogto ah” ayuu yiri afhayeenka

Tan iyo bilowgii dagaalka, 87 baabuur ayaa loo oggolaaday iney galaan Gaza, Marka la barbardhigo, qiyaastii 100 ayaa geli jiray maalin kasta ka hor colaadda

Related posts

Kulamo xasaasi ah oo caawa ka kala socda hoyga Guddoomiye Mursal & Villa Somalia

Caydiid Ali

Daawo Sawirro) Qaabka ciidanka Soomaalida loogu tababaro saldhiga Milateri ee Turkiga

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somalia oo xilka laga qaaday 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---