Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo la shiray Wafdi ka socday DF iyo Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Wafdigaan oo uu hogaaminayay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Axmed Madoobe Nuunow oo ay wehliyaan Wasiir Ku Xigeenka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dr Saciid Maxamed Cali iyo Wakiilada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee FAO, IOM, UN-Habitat, UNIDO iyo UNEP.

Madaxweynaha iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa kulan la qaatay wafdigan waxayna ka wada hadleen kor u qaadista Mashaariicda horumarinta iyo ka doodista Mashruuca Biyo-xireenka Jowhar ee (JOSP).

Mashruucan wuxuu ka qeyb qaadan doonaa xal u helista maareynta fatahaadaha wabiga shabeelle iyo biyo la’aanta xiliyada abaaraha kaas oo wax weyn ka tari doona Kaabayaasha Dhaqaalaha oo ay ugu horeyso wax soo saarka beeraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma ubaahantahay in Carruurtaada iyo adiguba barataan Quraanka Kariimka ah, Higaadda & Caqiidada islaamka?

Cabdi Cade

Toogasho Khasaare nafeed geysatay oo ka dhacday dalka Maraykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Askari Gadoodsan oo dil iyo Dhaawac galabta ka geestay Muqdisho

admin
Taboola Ads ---