Allbanaadir.com
NEWS

Dilaa baxsad ku jiray oo lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo Booliiska oo ka hadlay

Ciidanka booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa maanta howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen askari katirsanaa ciidanka dowladda oo baxsad ku jiray, kaddib dil uu ka geestay gudaha Muqdisho.

Ninkan dilka geestay oo katirsanaa askarta dowladda ayaa magaciisa lagu sheegay Ciise Nuur Cartan, waxa uuna ninkan 24-kii bishan October xaafad katirsan degmada Hodan ku dilay Marxuum Ibraahim Maxamed Axmed 20 jir ahaa.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaana lagu sheegay in iskaashi dhacay kaddib lagu guuleestay in gacanta lagu dhigo gacankudhiiglaha, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan caddaaladda la horgeyn doono.

Ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa marar badan ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigay askar iyo kooxo kale oo dilal iyo dhibaatooyin kalaba ka geestay caasimadda, waxaana dadkaasi gacanta loo galiyay hay’addaha caddaaladda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka Somaliland oo todoba qodob ka soo saaray dagaalka Laascaanood

Caydiid Ali

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray amar ku socda Iskuulada Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo howlgal ku soo xiray xubno ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---