Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo si adag uga hor timid Qorshaha Internetka Starlink loogu xiriirinayo Qasa

Wasiirka Isgaarsiinta Israel, Shlomo Karhi ayaa gaashaanka ku dhuftay qorshaha uu ganacsadaha Elon Reeve Elon uu dadka reer Qasa ku siinayo internetka la shaqeeya Dayax-Gacmeedka Space X Starlink.

Ganacsade Musk oo asal ahaan ka soo jeeda dalka South Africa, balse haysta dhalashada Maraykanka ayaa shalay ku dhawaaqay inuu Qasa ku xiri doono internet lacag la’aan ah oo la shaqeeyo Dayax-Gacmeedkiisa Space X Starlink.

Wasiirka Isgaarsiinta maamulka Yahuuda ee Israel waxa uu sheegay inay adeegsan doonaan qaab kasta oo ay ku joojin doonaan qorshaha ganacsadaha Elon Musk Internetka ku siinayo dadka Gasa.

Ciidanka Isreal ayaa jaray adeegyadii isgaarsiinta iyo internetka ee ka jiray magaalada Gasa, inkastoo saacadihii lasoo dhaafay adeegii internetka iyo isgaarsiinta kale si tartiib tariib ah usoo laabanayeen.

Isreal ayaa dooneysa in magaalada Gasa si kastoa oo suurto gal ah u goydoomiso, waxa ayna horey magaaladaasi uga jartay adeegyadii aas aasiga ahaa, waxa ay sidoo kale hor istaagtay in gar gaar iyo shidaal magaaladaasi la gaarsiiyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: In ka badan 120 qof oo lagu dilay Weerar lagu qaaday Fagaare Olole Doorasho ay ka socotay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo saakay daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo xabsiga Guantanamo Bay ka sii daayey labo walaalo ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---